Ciidamada Eretriya oo lagu eedeeyey inay toos ugu biireen dagaalka ka socda Canfarta.

Monday September 28, 2026 - 12:08:26
MeMO Staff
Waxaa sii xoogaystay dagaallada culus ee ka socda waqooyiga Itoobiya, kaas oo u dhaxeeya ciidanka Xabshida Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigrey oo taageero ka helaysa jabhadaha kale ee hubaysan ee ka dagaallama gudaha Itoobiya.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Eritrea iyo saraakiishoodu ay ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan dagaalka ba’an ee ka socda gobalka Canfarta, isla markaana ay adeegsadanayaan hubka culus.

Madaxa is-maamulka Canfarta ugu magacaaban xukuumadda Addis Ababa, ayaa warbaahinta Al-Jaziira u sheegay in ciidamada Eretariya ay si toos ah uga qayb-qaadanayaan dagaalka, isla markaana ay doonayaan inay jaraan waddada isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuu sheegay in dagaalka hadda socdaa uu ka weyn yahay awoodda ciidamada ku sugan gobolka ee taabacsan nidaamka Abiy Axmed, maadaama ciidamadani ay wajahayaan ayuu yiri, ciidan dowladeed oo buuxa oo uu ka wado ciidamada Erateriya.

Sidoo kale warbixin ay maanta baahisay AFP ayay ku sheegtay in weerarrada ka socda gobolka Canfarta ay ujeedkoodu yihiin in la gooyo sahayda ka timaadda Jabuuti, taas oo Itoobiya u gudbisa ku dhowaad dhammaan badeecadaha ganacsiga caalamiga ah ee dalka soo gala oo shidaalku uu ku jiro.

Xarunta Tigrai TV, oo loo arko warbaahinta ugu muhiimsan ee maamulka fallaagada ee caasimadda Tigray ee Mekelle, ayay shalay lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn. Sida mid ka mida wariyayaasha telefishankaasi uu u xaqiijiyey warbaahinta caalamka.

Sawirro uu qaaday weriye maxalli ah oo ay baahisay AFP ayaa muujiyay in burburka soo gaaray dhismaha uu ku jirtay Tigrai TV, waxaana la xaqiijiyey in Telefishanku uu hawada ka baxay weerarka kadib, kaas oo la sheegay inay ka shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo qof.

Shalay ayay ahayd markii jabhadda Tigrey iyo xoogagga hubaysan oo gacan-saar ay leeyihiin ay la wareegeen degmooyin ka tirsan gobolka Canfarta, kuwaas oo ay ka mid tahay magaalada Erebti, iyagoo haatanna dagaallo culus kaga jira qaybo ka mid gobolkaasi iyo sidoo kale gobolka Amxaarada.

Related Items

Update cookies preferences